Dhageyso:-Qaloocow”Dowladda ayaa ka aamusan Maraakiibta Sida sharcidarada uga kalumesta Xeebaha dalka

 

Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan ku baraarusaneyn dhibatooyinka Shisheeye ee hadda ku sugan Xeebaha dalka Soomalaiya.

Waxa uu sheegay Maraakiibtaas ay dhibaatooyin ad u xun u geestan Kaluumeystada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in loo baahan yahay in Xukuumada Soomaaliya ay ku baraarugto dhibaatoyinkaan ay geysanayayaan maraakiibta Shisheeye lana horgeeyo Golaha Wasiirda Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada maaliyada waxa uu sheegay xili uu Maanta booqday Akeemiyada Cilmiga Badda Khaliif Macoow oo uu Maanta booqday.

Hoos Ka Dhageys Codka Wasiir ku xigeenka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media