Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa beeniyay in wax dagaal ah uu ka dhacay degmada lambar 50,ee Gobolkaasi Shabeellaha hoose.
Maxamed Ciise oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ee ka howgalla gobolkaas ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dagaalka la sheegay in uu ka dhacay kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in dadka qaarkood ay sheegayeen in degmda lambar 50,ay la wareegeen Al-Shabaab,balse Warkaas uu yahay mid been abuur ah oo ay buun buuniyeen kuwo dano gar ah leh.
Waxa uu uga digay dadka qaarkood uu sheegay in ay qalalaaso ka wadaan deegaanada gobolka Shabeellaha hoose.
Hoos Ka Dhageyso War-Bixinta iyo Wariye Maxamed cusmaan Ma’da uu ka soo diray Afgooye