Dhageyso:-Qaar ka mid ah Maleeshiyaadkii 5,ta ruux ku dilay Xawaadley oo la qabtay

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xawaadleey oo hoostagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay deegaankaas lagu dilay Shan ruux kuwaas oo lagala dagay gaari ay saarnaayeen.

Dadkaan ayaa xiliga la dilayay waxa ay sarnaayeen Gaari siday Khudaar oo ay u soo wadeen Magaalada muqdisho balse xili ay marayeen meel lagu magacaabo Beerta Maxamed Dirshe waxaa gaarigii ay saarnaayeen kala degay kooxo hubeysan oo wadada taagnaa kuwaas oo dhowr Xabadood ku dhuftay sida uu inoo xaqiijiyay gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada maamulka Dagmada Balcad Jeele maxaas Jiibaar.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka degamda Balcad ay ku raadjoogaan Maleeshiyaadkii hubeesnaa ee xalay dadkasi rayidka ah ku dilay deegaanka Xawaadley

Sababta ka dambeysa arintaan ayaa lagu sheegay mid la xiriirta aanooyin qabiil oo ka kala dhaxeeyay Maleeshiyaadkii hubeesnaa ee wax dilay iyo kuwa la dilay.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media