Dhageyso:-Qaar ka mid ah Caruur ku agoontoobay Qarixii Zoobe oo lacago loo qeybiyay

Gudiga Gurmadka Qaran ayaa tan iyo Khamiistii ku howlanaa bixinta lacag dhan Hal-Milyan Sideetan iyo labo kun oo dollar oo loogu talagalay 1547-Caruur ah oo ku agoontoobay Weerarkii 14-October

206-agoon ah ayey gudigu Maanta qaabileyn iyada oo canugiiba la siiyay lacag dhan 700-oo dollar-ka Mareykanka ah.

Ehelada lacagtaasi helay ayaana marayay hanaan gudiga ay ugu talagaleyn in lacagtaasi ay ku bixiyaan hanaankas oo ahaa mid ay gudigu ka soo Shaqeeyeen.

C/llahi Shirwac Gudoomiyaha Gudiga Gurmad Qaran ayaa suxufiyiinta la wadaagay qorsha lacagtaasi ay ku bixinayeen.

“Gudiga tan iyo khamiistii iyo Maanta waxa ay ku talo galeen inaan wax siino goon gaareysa 1547-Caruur ah maalintii khamiistii aheyd 160 Qoys ayaan wax siinay maanta 206-agoon ah oo qarkood aan weli imaan waxaana noo dhiman dadka naafadaha ah iyo qoono aan ugu talo galnay waalidiinta Caruurta goonta ah heysto ayuu yiri Gudoomiye Shirwac”

Qorshaha Taakuleyn  oo ay gudigu ku howlanaayeen tan iyo Bartamihii Bishii October ayaa meel gaba gab sii maraya waxaana qorshahaasi ka faaiideystay Qoysas badan oo dadkooda ku waayay Xasuuqii Zoobe.

Hoos ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gudiga Gurmad Qaran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media