Dhageyso:-Qaadista Imtixaanka Ardayda Baladweyne oo Maanta baaqday

Maanta oo ku beegan 5 Bisha May ee Sanada 2017 ayaa waxaa inta badan dugsiyada Sare ee Hoostaga Dalada Waxbarashada FPENS waxa ay gelayaan Imtixaanka kama dambeyska ee Dugsiyada Sare marka laga reebo Magalada Baladweyne.

Maamulka Iskuulada Magalada Baladweyne ayaa waxa ay xaqiijiyeen in isbedel uu ku yimid jadwalkii imtixaanaadka ee Iskuulada Magalada Baladweyne kadib markii Iskuulada intooda badan uu saameeyey fatahada Wabiga,isla markaana ay Biyo fariisten.

Guddoomiyaha Iskuulada Magalada Baladweyne Axmed Dhaqane Cali ayaa sheegay in Sanadkaan aysan awoodin in ay Ardaydu galaan Imtixaanka sababo la xiriira fatahaada Wabiga,isla markaana Maanta uu imtixaanu uu ka baaqanayo in ka badan Kun Arday.

Waxa uu sheegay in duruufaha waqtigaan jira aawgeed imtixaankaas dib loo dhigay,sidaas daraadeedna Iskuulada oo gaaraya ilaa 10 Iskuul markii xaalada Magalada Baladweyne uu isbedel ku yimaado hal mar laga wada qaadi doono Imtixaanka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Iskuulada Magalada Baladweyne Axmed Dhaqane Cali.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media