Dhageyso:-Puntland oo Warka soo saartay dagaalka Tukaraq

Maamulka Puntland aya si kulul uga hadlay dagaalkii saakay arroortii ka bilaawday deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool kaas oo u dhaxeeyey ciidamada Puntland iyo kuw Soomaaliland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi xersi Cali Qarajab,oo Warbaahinta la hadlay ayaa shegay in ciidamada Soomaaliland ay saakay soo weerareen fariisimaha ciidamada Puntland ee degaanka Tukaraq,isla markana ay iska difaaceen.

Waxa uu sheegay Wasiir Qarjab,in dagaal kooban uu halkaasi ka dahcay balse ciidamada Puntland ay ku guuleysteen in ay jebiyaan Ciidamada Soomaaliland sida u hadalka u dhigay.

Masheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Maamulka Soomaaliland.

Xaalada deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay tahay mid degan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warafafinta Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media