Dhageyso:-Puntland oo Wafdi u direysa Magaalada Buuhoodle

Saacadihii la soo dhaafay Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka togdheer waxaa ka dhacayay dagaalo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed kuwaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi xakiin Xaaji Cumar Cameey,oo la hadlayay mid ka mid ah Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa sheegay in dagaaladaas aysan aheyn kuwo siyasadeed balse ay yihiin kuwa ay wada dagaalamaayan Beelo.

Waxa uu sheegay in Puntland ay qorsheyneyso in Magaalada Buuhoodle ay u dirto Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulkaas iyo sidoo kale qaar ka mid ah Waxgaradka Puntland si xal looga gaaro dagaalkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media