Dhageyso:-Puntland oo Siideysay Kaluumeysato u dhashay dalka Iiraan+Sawirro

Kaluumeysatada lasiidaayey oo u dhashay dalka Iiraan ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 17  kuwaas oo mudo 8 bilood ah xirnaa kadib markii Puntland ay xukun isugu jira lacag iyo Xabsi ku ridday.

Maxaabiista Kaluumeysatada ah ee u dhashay dalka Iiraan maantana lasiidaayey ayaa waxaa laga qabtay Xeebaha Maamulka Puntland.

Gudoomiye ku-xigeenka maxkamadda sare ee Puntland Nuux Ciise ayaa ugu horayn faahfaahin ka bixiyey eedaymaha lagu maxkamadeeyey xukumanayaashaani iyo xukunka

Gudoomiye ku-xigeenka maxkamadda sare ee Puntland Nuux Ciise ayaa Warbaahinta u faah faahiyey eedeynta Badmaaxintaas loo heysta iyo waxa sababay siideyntooda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku-xigeenka maxkamadda sare ee Puntland Nuux kana Daawo Sawirrada.