Dhageyso:-Puntland oo Shuruud ku xirtay wadahadalo ay la gasho Maamulka Soomaaliland

Weli waxaa taagan xisada dagaal ee u dhaxeysa Maamulada Soomaaliland iyo Puntland ka dib dagaalkii deegaanka Tukaraq,waxana ay hawada isku marinayaan hadalo sii hurinayo xiisada dagaal ee u dhaxeysa labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad goboleedka Puntland Cabdi Xersi Cali (Qarjab) oo shir Jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa ka hadlay xiisada dagaal ee kala dhaxeysa Soomaaliland iyo wadahadalo la sheegayey in uu labada dhinac u socdo

Wasiirka Qarjab ayaa waxa uu sheegay in maalmahaan ay jirtay warar soo baxayay oo sheegayay in Puntland iyo Soomaaliland uu jiro wahadalo u socdo si xiisada loo qaboojiyo,waxa uuna sheegay in warkaas uusan waxba ka jirin,isla markaana Puntland wax wadahadal ay ka galeen dhulka laga heesto sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale isaga oo sii hadlayey ayaa waxa uu ugu baaqay Shacabka ku nool deegaanada Puntland in ay Ciidamada ka taageeraan dagaalka ay kula jiraan Maamulka Soomaaliland oo uu sheegay in uu yahay mid ay ku difaacayaan dhulkooda.

Sikastaba waxaa weli xiisado dagaal ay ka taagan yihiin deegaano ka tirsan gobolka Sool,weli majirto cid isku-dayday in ay xal kala dhex dhigto marka laga soo tago baaqyo kala duwan oo Warbaahinta loo marsiinayo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media