Dhageyso:-Puntland oo sheegtay inay xaqiijisay xiriirka ka dhexeeya Al-Shabaab iyo Maamulka Soomaaliland

Maamulka Puntland ayaa eedeyn u jeedinaya Maamulka Soomaaliland oo bilihii u dambeysay ay kala dhaxeysay xiisad sababtay in ay ku wada dagaalamaan deegaanka Tuqaraq ee Gobolka Sool

Wasiirka Warfaafinta Dowlad goboleedka Puntland cabdi xersi Cali Qarjab oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Soomaaliland daaweyso dadka ka tirsan Shabaab eek u dhaawacma deegaanad Puntland sida Galgala iyo Af-urur.

Waxa uu shegay in Soomaalilnd ay ka mid tahay dadka qalqalka amni ku haya Puntland isla arkaana ay taageeraan Shabaab, iyaga oo geeya kuwa ka dhaawacma Hrgeysa iyo Burco sida uu hadalka u dhigay.

Xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ayaa sii xoogeysatay kaidb markii dhawaan Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaalland ay weerareen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,isla markaana ay kala wareegeen ciidamada puntland oo ku sugnaa.

Hoos Ka Dhageyso  Codka Wasiirka Warfaafinta Puntland.