Dhageyso:-Puntland oo sheegtay in maraakiib Dagaal oo aan ogolaansho ka heysan Maamulkooda ay duqeyn ka fuliyaan deeganadooda

Maamulka Magaalada Gardafuu ee gobolka Bari puntland ayaa cabasho ka keenay Maraakiib kuwa dagaalka ah oo ku sugan Xeebaha Magaalada Caluula,kuwaas oo dhowr mar horay looga cawday.

Gudoomiyaha Magaalada Gardafuu Maxamuud Axmed Ceynab oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maraakiibtaas oo sisharcidaro ah uga kaluumeuysata Xeebaha Magaaladaas ay mararka qaar duqeyn u geesta hareeraha Xeebaha taasina ay dhibaato keeni karto.

Waxa uu sheegay in Wasaarada Arrimaha gudaha iyo dowladdaha Hoose ee Mamulka Puntland iyo Maamulkooda oo iskaashanaya ay Sharci cad ka soo sari doonaan Maraakibtaas.

Hadalka Gudoomiyaha Magaalada Gardafuu ayaa ku soo aadaya xili Warar soo baxayay ay sheegayeen in Diyaarado dagaal ay duqeyn ka geesteen farsiimo Kooxda Daacish ku leeyihiin halkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiya Magaalada Gardafuu

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media