Dhageyso:-Puntland oo sheegtay in Hal Maamul uu xukumi doono Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa markii horreysay waxa uu sheegay in Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug uu Xukumi doono hal Maamul kaas oo ka Shaqeyn doono sugida amniga.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Abgaalow ayaa sheegay in gaalkacyo ay haatan amnigeeda ay ka wada Shaqeeyaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa isku-dhafka ah ee loo sameeyey,isla markaana ay wax ka bedeleen amniga Magalada.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in haatan uu socdo qorsho lagu doonayo in hal maamul loogu sameeyo Magalada gaalkacyo si uu u xukumo,kaas oo uusan shaacin Puntland iyo Galmudug maamulka uu noqonayo.

Gaba gabadii waxa uu ugu baaqay Shacabka ku nool Magalada Gaalkacyo in sugida amniga ay kala Shaqeeyeen Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa isku-dhafka ah ee Magaalada loo sameeyey.

Hadalkan weli wax jawaab ah dhankooda kama soo bixin Maamulka Galmudug oo maamula Koonfurta Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media