Dhageyso:-Puntland oo sheegtay in ay Jawaab ka bixineyso qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Gaalkacyo

Maxamuud Yaasin Axmed Tumey Duqa degmada Gaalkacyo ayaa isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxa uu ka hadlay dilalka iyo qaraxyada mararka qaar ka dhaca Magaaladaas

Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay xogo ka hayaan dadka geysanaya falkaas lidi ku ah dhanka amniga is la markaana ay rajeynayaan in ay tallaabo ka qaadaan sida uu Hadalka u dhigay.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in aysan u dulqaadan doonin dhibaatada amnidaro ee ka jirta Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland sidoo kale ay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan dadka geysta falalka lidiga ku ah amniga ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo.

Hadalka Duqa degmada Gaalakcyo ayaa ku soo aadaya xili maalmihii u dambeeyay ay dilal iyo qaraxyo ka dhaceen Magaalada Gaalkacyo iyada oo laba maalin ka hor qarax Gaarigiisa loogu xiray lagu dilay mid ka id ah Saraakiishii hore ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Duqa Magaalada Gaalkacyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media