Dhageyso:-Puntland oo ku dhawaaqday hirgelinta heshiiska Colaada Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in ay dhankooda hirgelin doonaan heshiiskii laga gaaray colaadii ka jirtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Xasan Maxamed Abgaaloow Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ay wanagsan thay in laga hortago kuwa ku dhexjira ee mar walba doonaya in ay dhibaato ka dhex  abuuraan Galmudug iyo Puntland.

Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in dadkaas ay hal meel uga soo wada jeestan isla markaana muhiim ay tahay in meel lagu tuuro wixii xumaa nabadana la wada qaato.

Shalay ayaa taliyaha Ciidanka xoogga dalka Gen, Gorod iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxa ay fureen Wadooyin ku xirmay dagaaladii ka dhacay gaalkacyo iyaga oo isku adkeeyay in aysan markale soo laaban dagaaladaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Mudug Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media