Dhageyso:-Puntland oo ka jawaabtay weerarkii kaga yimid dhanka Al-Shabaab

Wasiirka amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa si weyn u baneeniyay wararka sheegaya in Alshabaab laayeen ciidamo badan oo katirsanaa Puntland oo ka howgalayay saldhiga Af-urur.

Wasiirka amniga Puntand ayaa sheegay dadka ay laayeen Alshabaab inay badankood yihiin, Odayaal, haween iyo Carruur  tuulada ku noolaa, Waxaa uu sheegay khasaaraha soo gaaray ciidanka inuu yar yahay, halka dhinaca kale uu sheegay inay Al-Shabaab ka dileen tiro badan.

Qarjab wuxuu sheegay ciidamadu inay haatan ku raad joogaan Al-Shaabab uuna socdo howlgal xoogan oo lagu raadjoogo Ciidamadii Al-Shabaab ee  weerarka ku soo qaaday tuulada Af-urur.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media