Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay Xukun dil toogasho ah ku riday 7 Askari oo lagu eedeeyey in ay hub iyo Gaadiid kala baxsadeen deegaanka tukaraq oo ay isku-horfadhiyaan Ciidamada Puntland iyo soomaaliland.
7 Askari ee Xukunka lagu riday ayaa ka maqnaa Maxkamada kadib markii ay baxsadeen,waxana Saraakiisha Maxkamada ay sheegeen in markii gacanta lagu soo dhigo xukunkaas lagu fulin doono.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Shanta Gobol Puntland Gaashaanle Sare Cawil Axmed Faarax ayaa sheegay in Askartaas lagu riday Xukunka dilka toogashada ah,kadib markii Maxkamadu ay dhageystay dooda edeymaha iyo tan difaaca Qareenka eedeymaha iyo qiimaha Gaadiidka iyo hubka ay la baxsadeen in lagu xukumay dilka toogashada ah.
Ciidamada Puntland ka tirsanaa ee Xukunka dilka toogashada ah lagu riday ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay sidaan.
1: Dabel Jaamac Cabdi Nuur Maxame
2: Dable C/rashiid Ismaaciil Geelle.
3:Dable Maxamed Axmed Bootaan
4:-Dable Cabdi cumar Jaamac
5: Dable Siciid Maxamed Axmed
6: Cabdi Dhuux Cali Xasan
7: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ashkir
Gaba gabadii Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland mashaacin halka ay u baxsadeen Askarta 7 gaareysa ee hubka iyo Gaadiidka la baxsaday,isla markaana ay xukunka dilka ah ku rideen.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Shanta Gobol Puntland Gaashaanle Sare Cawil Axmed Faarax.