Dhageyso:-Puntland oo bixineysa Mushaaraadka Ciidamo xaqiijiya Amniga Gaalkacyo

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey,oo shalay ka qeyb galayay munaasabad tababar loogu soo xirayay Ciidamo iskudhaf ah oo ka shaqeynaya amniga Gaalkacyo ayaa sheegay in mushaarka Ciidankaas ay bixin doonaan bilaha ugu horeeya.
Waxa uu sheegay in ciidamadaan oo xaqiijin doono amniga Gaalkacyo ay iyagu diyaar u yuhiin in ay bixiyaan mushaaraadka Ciidamadaan Saddexda Bilood ee ugu horeeya.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cameey, ayaa waxa uu sheegay in puntland ay marwalba diyaar tahay Nabadda Magaalada Gaalkacyo iyo wada kasta oo loo mari lahaa.
Sikastaba Ciidamadaan tababarka loo xiray ayaa waxaa laga sugayaa in ay xaqiijiyaan amniga Gaalkacyo oo mararka qaar ay ka dhacaan falal lidi ku ah dhanka amniga.
Hoos Ka Dhageyso Codka Cameey

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media