Dhageyso:-Puntland oo amar ku soo rogtay Ganacsatada ku nool deegaanadeeda

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa amar adag ku soo rogay Ganacsatada Puntland ee ee Soo dajiya Badeecadaha Noocyadeeda kala duwada iyo kuwa dhooofiyaha Xoolaha.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in wixii ka dambeeya 15-09 -2017,cid aanan heysan Shahaado Ganacsi uusan Puntland wax ka soo degsan doonin kana dhoofin doonin sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in tani ay uga gol leeyihiin sida dadka ku nool Puntland ay u heli lahaayeen cunto nadiif ah.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in cid alaala cidii ka dhega adeegta ammarkaana Puntland ay talaabo cad  ka qaadi doonaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media