Dhageyso:-Puntland iyo Soomaaliland oo guulo ka kala sheegtay dagaalka Tukaraq

Maamulka Puntland aya si kulul uga hadlay dagaalkii saakay arroortii ka bilaawday deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool kaas oo u dhaxeeyey ciidamada Puntland iyo kuw Soomaaliland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi xersi Cali Qarajab,oo Warbaahinta la hadlay ayaa shegay in ciidamada Soomaaliland ay saakay soo weerareen fariisimaha ciidamada Puntland ee degaanka Tukaraq,isla markana ay iska difaaceen.

Waxa uu sheegay Wasiir Qarjab,in dagaal kooban uu halkaasi ka dahcay balse ciidamada Puntland ay ku guuleysteen in ay jebiyaan Ciidamada Soomaaliland sida u hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey Munaasabada xuska 18 May oo Sanadkaan ay soo hormariyeen ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaalkii saakay ee deegaanka tukaraq.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay soo weerareen 23 Jeer Saddexdii bilood ee ugu dambeysay balse ay iska difaaceen.

Waxa uu sheegay in dagaalkii saakay ay Soomaaliland ku dhiiratay in ay iska difaacdo,isaga oo sheegay in ay dhabar jebin doonaan sidii ay isaga difaaceen Maxamed Siyaad Barre oo kale sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa u cadeynayaa Shacabka Soomaaliland in Maanta aan gaarnay guulo waaweyn,hub farabadana aan ku furanay ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Hoos Ka Dhageyso Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi xersi Cali Qarajab iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media