Dhageyso:-Odayaal War ka soo saaray dagaal Beeleedyada ka soo cusboonaaday G/Hiiraan

Maalmihii la soo dhaafay waxaa dagaal beeleed uu ka socday qeybo ka mid ah tuulooyin hoostaga degamda Matabaan ee Gobolka hiiraan dagaalkaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bulsahda qeybaheeda kala duwan ayaa aad uga xumaaday dagaalka ka dhacay tuulada Baayooleey ee duleedka degamda Matabaan,waxana qaar ka mid ah waxgaradka ku nool magaalada Baladweyne ay sheegeen in dagaaladaas ay aad uga xun yihiin.

Odayaasha ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in loo baahan yahay in wax walba miiska wadahadalka lagu dhameeyo maadaama dagaal uusan laheyn wax faa’iido ah khasaara mooyee.

Maamulka gobolka hiiraan ayaa dhankooda waxa ay ku dadaalaayan sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeledyada ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media