Dhageyso:-Odayaal iyo Waxgarad War ka soo saaray dagaalka Gobolka Mudug

Waxgaradka ku dhaqan gobolka Mudug, kana soo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa si wadajir ah waxay ugu baaqeen in la joojiyo colaadda kasoo cusboonaatay gobolkaasi, taasi oo u dhaxeysa Maleeshiyaad Labada dhinac ah.

Nabadoon Cali Xuseen oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda Galmudug ayaa, wuxuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay dagaalladan soo noq noqday.

Wuxuu sheegay in ay filayeen iney nabad dhacdo, balse ay nasiib darro tahay in mar kale la dagaallamo.

Nabadoon Cabaas Cabdi Diiriye oo isna kamid ah waxgaradka kasoo jeeda dhanka Puntland ayaa sheegay in ka waxgarad ahaan ay ku dedaalli doonaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa gobolka Mudug.

Hoos Ka Dhageyso codka Waxgradka