Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,waxana kulanka goobjoog ka ahaa 173 Mudane.
Kulanka Maanta ayaa ka duwanaa kulamadii hore,waxaana hortegay xildhibaanada isla markaana khudbad dheer u jeediyay gudoomiyaha Baarlamanka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
Maxamed Cali Xaamud oo soo gaaray Muqdisho khamiistii la soo dhaafay ayaa shalay booqday Xarumaha Ciidamada Jabuuti ee Magaalada Baladweyne ee Xrunta Gobolka hiiraan.
Gudoomiye Xaamud ayaa khudbadiisii Maanta waxa uu kaga hadlay wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo taageerada ay siiso Soomaaliya.
Dhinaca kale isana waxaa khudbad dheer ka jeediyay kulanka isla markaana shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Hoos Ka Dhageyso Khudbadaha Gudoomiyayaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti.