Dhageyso:-NinKii Soomaaliga ahaa ee Magafaha Libya la shaqeysan jiray oo Muqdisho laga soo dajiyey (Warbixin)

 

C/qaadir Cumar Cabdulle, oo la sheegay in uu la Shaqeyn jiray Magafaha Libya ee dadka tahriibiya islamarkaana Xarumo ku lahaa Gudaha dalka Libya iyo Koonfurta Suudaan ayaa Ciidamada Booliiska Koonfurta Sudan Gacanta ay ku dhigeen iyagoo ku wareejiyay Ciidamada loo yaqaano InterPol ee Booliiska Aduunka.

Ninkaan oo dad farabadan oo Soomaaliyeed ay ka caban jireen ayaa intaasi kadib waxa ay ciidamada InterPol ku soo wareejiyeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan gudaha Magaalada muqdisho,waxana xogaha ay heleyso Dalsan ay sheegaayaan in uu ku xiran yahay Xarunta dambi baarista  CID,da halka Wararka qaar ay sheegayaan in lagu hayo Xarunta Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya ee NISA,ee Magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya ee South Sudan Xuseen Xaaji ayaa Warbaahinta qaar u xaqiijiyay in Ninkaan Ciidamada Booliiska Interpol, Booliiska Koonfurta Suudaan iyo sidoo kale Booliiska Soomaaliyeed, ugu dambeyn ay ku guuleysteen  in ay Gacanta ku dhigaan.

Taariikhda inta la xasuusto waa markii ugu horeysay ee la qabto nin loo heesto in uu dadka tahriibin jiray kaas oo dhibaatooyin jirdil,kufsi iyo waliba lacag madax furasho ah ka qaadan jiray dadka tahriibiya.

Mudo bil ka hor ah ayaa waxaa Baraha ay Bulshada isticmaasho, lagu soo bandhigayy Muuqaalo muujinaya Muwaadiniin Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo Dumar oo  jirdil loo geysanayo kuwaas oo laga doonayay lacag madax fursho ah.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media