Dhageyso:-Nin Madaxa looga jiro oo dab qabadsiiyay Guri ku yaala degmada Yaaqshiid iyo khasaaro ka dhashay

Dadka degan Xaafada uu dabka ka kacay ee dagmada Yaaqshiid gaar ahaan tookiyada Suuq Bacaad ayaa inoo sheegay in dabka Guriga uu  qabadsiiye nin madaxa looga jiro, kaas oo ka mid ahaa dadka Xaafada.

Dabkana demintiisa ay qaadatay in ka badan 30 qadiiqo oo ay damiyeen dadka xaafada oo isku soo baxay maadaama Xaafada ayna leheyn wado uu u maro gaadiidka dabdemiska.

Inta uu socday dabka ayaa la sheegay in labo caruur ah uu dhaawac soo gaaray ayna dadkii ku howlanaa daminta ay guriga ka soo saareen loolana cararay isbitaal sida uu Dalsan u sheegay qof ka mid ahaa dadkii gurmadka u sameeye Xaafada dabka uu ka kacay

Dhacdan oo kale waa mid naadir ah oo ku yar maqalka Shacabka waxana inoo suura galin in maamulka dagmada Yaaqshiid aan telefonka ku haleelno si aan u weydiino macluumaadka aan helnay mid ka badan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Goobjoogaha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media