Dhageyso:-Nin 180,000 oo Shilin Somaali ah Guri looga kireeyay oo qarax ku geeriyooday

Maamulka degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir ayaa faah faahin guud ka bixiyay qarax xalay Fiidkii ka dhacay Xaafada Nageyle ee degmadaasi Kaaraan,kaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Maamulka degmadaas oo lagu Wareysnayay Barnaamijka Gorfeynta Wararka ee ka baxa Radio Dalsan ayaa sheegay in qaraxa uu ku qarxay Nin farsameynayay si uu dadka ugu dhibaateeyo.

Saalax Maxamed Muuse ayaa sheegay in Ninkaas shalay uun uu ka soo guuray degmada Qoryooleey ee G/Shabeellaha Hoose, oo ay inta badan Maamulaan Al-Shabaab.

“Ninka Bambo ayaa la qaraxday waa uuna geeriyooday isaga iyo Cunug saqiir ah oo uu dhalay, waxana ku dhaawacmay Xaaskiisa iyo Wiil Guriga la deganaa qoryooley ayuuna ka yimid balse markii Guriga la baaray waxaa laga helay laba Bamboo oo Nadiif ah mana aheyn ciidan balse waxaa loo maleynayaa in uu ka tirsan yahay Kooxda Nabaddiidka ah ayuu yiri “

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka Guryaha laga kireynayo laga diiwaangelin jiray Xarunta degmada balse Xaafada ay degmada ka fogeed, isla markaana uu Ninka iyo Qoyskiisa ay Guriga ku deganaayeen 180, oo Shilinka Soomaaliga ah.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.