Dhageyso:-Naaafada deegaanka Ceel-Cadde oo Xarig iyo jirdil la iskugu daray

Ururka Naafada ku nool deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay ka cabanayaan musuq maasuq iyo jirdil loo geestay qaar ka mid ah Naafada halkaasi ku nool halka qaarkood ay sheegen in Xabsiga loo taxaabay.

Xasan Khaliif foodeey Gudoomiyaha Ururka Naafada deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo la soo xiriiray Idaacadda Dalsan Xarunta muqdisho ayaa sheegay in mid ka mid ah Gudoomiye Waaxeedyada deegaanka Ceel-Cadde uu u geestay jirdil islamarkaana uu Xabsiga u taxaabay kadib markii ay u doonteen Gargaar  halkaasi la keenay uu doonayay in uu marin habaabiyo sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kaloo uu hadalkiisa intaas ku daray in Gudoomiye Waaxeedka laga soo magacaabay degmada Balcad dhawaan uu dhibaato ku hayo Naafada ku nool deegaanka Ceel-Cadde islamarkaana ay soo adeejinayaan qaar ka mid ah masuuliyiinta deegaanka Ceel-Cadde oo horay u bartay in ay wixii la keeno musuq maasuqaan sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Madaxda Sare ee dalka iyo maamulka hir-Shabeelle in ay rintaan wax ka qabtaan iyo musuq maasuqa lagu hayo Gargaarka loogu talo galay.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media