Dhageyso:-Muxuu salka ku hayaa Khilaafka Madaxda Maamulka Galmudug?

Waa markii labaad uu khilaaf soo kala dhex galo Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug sikastaba haku yimaadee,waxana khilaafkaan kii ka horeeyey uu ahaa kii ugu adkaa ee soo mara Maamulkaas.

Xildhibaano iyo Wasiirada qaarkood ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxa ay ku eedeynayaan in uu Dastuurka ku xadgudbay Madaxweyne Xaaf laakin taasi uu ka soo horjeestay.

Hadaba muxuu salka ku hayaa khilaafka xilligaan ee Madaxda Galmudug?

Xildhibaan Farxiyo Xasan Cali oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegtay in qodobka ugu weyn ee dhaliyey khilaafka Galmudug uu yahay in Madaxweyne Xaaf uu sameeyey waqti kororsi,isla markaana 14 qodob oo ka mid ahaa heshiiskii Jabuuti qaarkood uu jebiyey sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay sheegtay in qaabka awood qeybsiga deegaanada Galmudug lagu takri falay,isla markaana Beelo Xildhibaano horay u lahaa laga weeciyey,sido kalena Beelo aan deganeyn Galmudug lasiiyey tiro Xildhibaano.

Waxaa la weeydiiyey Su’aal aheyd qodobada ugu weyn ee sababay khilaafka Madaxda Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ku sheegtay Saddex qodob oo kala ah in waqti kororsi uu sameystay Madaxweyne Xaaf,jebinta iyo isbedel lagu sameeyey Dastuurkii Maamulkaas iyo habka awood qeybsiga xilalka dowlad goboleedka Galmudug.

Ugu dambeyn waxa ay rajo wanaagsan ka muujisay in xal laga gaarayo khilaafka oo ay sheegtay in xilligaan ay ku dhex jirto dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Farxiyo Xasan Cali oo dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media