Muumino Sheekh Xasan oo horay usoo noqotay Wasiir ku xigeenkii Haweenka iyo Arimaha Qoyska Xukuumaddii Cumar C/rashiid kana mid ah 8 xubnood ee u doodayay Kursi Baarlamaan kuwaas oo sheegay in sisharcidaro ah looga qaaday xiligii doorashada xubnaha Aqalka hoose ayaa ka hadashay Go’aankii ay qaateen xubnaha Golaha shacabka.
Muumino Sheekh Xasan ayaa sheegtay in ay wanagsan tahay in Sharciga la ilaaliyo islamarkaana Xukun ay Maxkamadi riday aysan jirin cid kahor imaankarto.
Waxa ay sheegtay in iyada ay xaq u leedahay in Maxkamada sare ee dalka ay u gudbiso Cabashadeeda ku aadan in simusuq maasuq ah looga qaaday kursi Baarlamaan islamarkaana taasi ay jawaab horay uga bixisay maxkamada sare ee dalka.
Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in Sharciga ugu sareeya dalka uu yahay Maxkamada sare ee dalka islamarkaana Go’aankii ay gaarto cid kahor imaan Karin sida ay hadalka u dhigtay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Muno Sheekh Cumar