Dhageyso:-Muqtaar Rooboow oo Maanta shaaciyay Mowqifkiisa+Sawirro

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansur) ayaa ku caddeeyay in uu ka baxay Al-Shabaab, isagoo dowladda uga mahadceliyay dadaalka sababay in uu isku soo dhiibo, ayna u socdaan wada hadalo oo uu rajo weyn ka qabo inay guul ku dhamaato.

“Waxaan cadeynayaa inaan ka baxay Ururka aan xubin ka ahaa muddo 5 sano iyo todobo bilood, sababta aan uga baxayna ay tahay dhibaatada ay bulshada ku hayaan iyo dhanka caqiidda, markii aan ka tegay  dhowr jeer oo hore waxa ay isku dayeen in i dilaan, balse Alxamdulilah waan ka guuleystay” ayuu yiri Sheekh Mukhtaar

Sheekh Muqtaar ayaa sheegay in muddo uu ku noolaa meel isaga iyo ciidamado taabacsan ay ku sugnaayeen, waxaana uu intaa ku daray in dhawaan ay weerar ku soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in uu iska difaacay, kaddib markii uu sheegay in uu gacan ka helay ciidamada dowladda.

Sheekh Mukhtaar ayaa Axaddii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii lagu soo wareejiyay gacanta dowladda, waxaana uu sheegay in uu ka shaqeyn doono Nabadda.

Mukhtaar Roobow ayaa dhawaan weerar lagu qaaday xilli u ku sugnaa deegaanka Abal ee ka tirsan Gobolka Bakool, halkaasi oo ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, balse gurmad ka helay ciidamada dowladda Federaalka, kuwaasi oo ku guuleystay inay ka badbaadiyaan weerarki lagu qaarajin rabay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Muqtaar Rooboow kana Daawo Sawirrada

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media