Dhageyso:-Munaasabada Xuska 45-Sano guuradii ka soo wareegtay hirgelinta qorista farta Soomaaliga oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, laguna qabtay xarunta Akadeemiyada ayaa waxaa ka qeybgalay R/wasaare ku xigeenka dalka, Wasiirudowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, gudoomiyaha gudiga Qaran ee shaqada iyo shaqaalaha, Aqoonyahanno, martisharaf kale oo lagu casuumay xafladda iyo kooxda fanaaniinta Iftin oo halkaasi ku soo bandhigay heeso ka tarjumaya isticmaalka Farta Soomaaliga..

Gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliya C/qaadir Nuur Xuseen oo furitaanki munaasabadaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka hadalka taariikhda qorista farta Soomaaliga, marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo dadaalladii lagu bixiyay arrintaasi.

Prof. Ciise Maxamed Siyaad oo ah ku xigeenka gudoomiyaha Akadeemiyada ayaa ka hadlay qiimaha qoraalka Farta Soomaaliga isagoo ku boorriyay bulshada in ay u soo jeestaan soo nooleynta qiimaha afka Soomaaliga.

Wasiirudowlada wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare C/raxmaan Maxamed Cabdulle oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ahmiyad gaar siineyso sidii xafiisyada dowladda iyo dugsiyada waxbarashada looga hirgelin lahaa farta Soomaaliga iyadoo wasaaraddu fulineyso baaqii R/wasaare Kheyrre ee ku wajahnaa isticmaalka farta Soomaaliga.

Sidoo kale  xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir aya ka hadlay dhibaatooyinka Soo wajahay afka Soomaaliga, iyo baahida loo qabo in la soo nololeeyo afka Soomaaliga.

R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, oo xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddu ay ku dadaali doonto sidii dugsiyada dalka iyo xafiisyada dowladda looga hirgelin lahaa isticmaalka farta Soomaaliga.

Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Akadeemiyadu ugu jirto soo nooleeynta Afka Soomaaliga, waana sanadguuradii 45 ee ka soo wareegtay marki la hirgeliyay qorista farta Soomaaliga uuna soo baxay wargeyski ugu horeeyay ee ku qoran farta Soomaaliga taasoo ku asteysneyd sanadkii  1973-dii.

Hoos Ka Dhageyso Codk R’iiul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya kana Daawo Sawirrada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media