Weli waxaa taagan xildhibaanada sheegaya in ay mooshin ka dhan ah ka wadaan Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Maalin ka hor waxaa Baydhabo kulan ku yeeshay Xildhibaano sheegay in ay gaarayaan ilaa 91 Mudane,kuwaas oo shaaciyay in ay gudbinayaan intabadana ay saxiixeen mooshinkii xilka qaadista.
Xildhibaan Dubad oo ka mid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Shariif Xasan uu ku fashilmay Shaqadii loo igmaday isla markaana Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay ka Go’an tahay in ay xilka ka qaadaan.
Marka laga soo tago hadalka Xildhibaanada weli wax jawaab ah kama uusan ka bixin Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Muqdisho uga qeyb galaya shirka Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
Hoos Ka Dhageyso Waresyiga Xildhibaanka