Dhageyso:-Mid ka mid ah Magaalooyinka dalka oo haawaneysa

Deegaanka Caluula ee gobolka Bari waxaa ka dhacay Fatahaad saameysay guud ahan deegaanka Caluula taas oo sababtay in dadkii ku noolaa oo dhan ay isaga cararan si aysan saameyn ugu yeelan Fatahaada ay sameysay badda Marta Magaalada Caluula.

Gudoomiyaha deegaankaas Cali-Shire Maxamuud Cismaan oo waresi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in marqura ay dareemeen fatahaada ay sameysay Badda islamarkaana dhamaan Guryihii ku yaalay halkaasi ay burbureen.

Waxa uu sheegay dadkii ku noolaa ay isaga carareen iyaga oo ka cabsiqaba in ay waxyeelo u geestan Biyaha,kusoo fatahay deegaanka sababayna in Goob Magaalo aheyd ay hada noqotay meel lama degaan ah.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka soomaaliya in ay Gurmad la soo gaaraan dadkii ka cararay deegaanka Caluula oo hada ku dhibaateysayn deegaanadii ay u carareen.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga gudoomiyaha Caluul

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media