Kadib Go’aankii ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa in xildhibaanada Hir-Shabeelle ay ku raacday xilka qaadistii ay ku sameeyeen Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Xildhibaan Daahir amiin Jeezow.
Xildhibaanka oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aya sheegay in Go’aanka ay ku dhaqaaqday dowladda Soomaaliya uu yahay mid aad u wanaagsan,islamarkaana ay tahay talaabo loo baahnaa maadaama xildhibaanada Hir-Shabeelle ay Go’aanka xilka qaadista qaateen.
Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya wafdigii ay u dirtay Jowhar,ay keenen warar xaqiiqo ah kadib markii ay sameeyeen baaritaano dheeraad ah,si loo demiyo xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii Cali Cabdullaahi Cosoble.
Sikastaba marka laga soo tago Go’aanka dowladda ayaa hadana Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa weli ku adkeysanaya in uu yahay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.
Qoraa Cabduqaadir Jakaarta
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka