Dhageyso:-Meydka Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo lagu Aasay Muqdisho+Sawirro

Maanta ayaa waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Qabuuraha Barakaad lagu Aasay Allaha u Naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow oo ka mid ahaa Wariyaasha Tv-ga Kalsan oo Shalay ku dhintay Qarax loogu xiray Gaari uu watay xili uu marayay Xaafad ka mid ah degmada Wadajir.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay Ehelada Marxuumka, Xubno ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir, Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo inta badan Wariyayaasha ka howlgalla Muqdisho.

Afayeenka maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo ka mid ahaa MAusuliyintii ka qeyb gashay Maanta Aaska ayaa sheegay in ay wadaan baaritan ku sabsan sidii lagu ogaan lahaa cida Gaariga ugu xirtay Qaraxa Marxuumka.

Maxamed Ibraahim Macalimow Xogheyaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa isna sheegay in laamaha amniga dowladda looga baahan yahay in ay Gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay falkaas lagu dilay Wariayaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta loo beegsaday ay tahay Shqada adage e uu u hayay Bulsahda Soomaaliyeed.

Maamulka Kalsan Tv ayaa Radio Dalsan u sheegay in Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow uu Tv-gaas ka howlgelayay mudo dhowr bilood ah isla markaana uu ifka kaga tegay Hal Gabar balse uusan qabin wax xaas ah.

Ugu dambeyn Agaasimaha Xiriirka Warbaahinta Madaxa Banaan ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Muqtaar Orongo ayaa isna ka mid ahaa dadkii Goobta Aaska ka hadlay.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media