Dhageyso:-Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida oo xukun riday

Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa’in ku riday dad lagu eedeeyey dilal ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dadka ay xukuntay maxkamadda oo horey xukun ay ugu riday maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa qaatay racfaan, balse mar kale ayey maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ay xukun ku riday kadib markii la ogaaday iney ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Xukunka Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka Sida ay Maanta ayaa waxa ay ku  riday ilaa Sadax rag ah kuwaas oo ay ku eedeysay in ay ka mid ahaayeen ragii  Baydhabo ku dilay Sheekh Maxamed Madeyr oo k mid ahaa Ergadii Baydhbo ku dooratay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhageyso Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media