Dhageyso:-Maxkamada Maamulka Galmudug oo xukun ridday

Xukunkaan ayaa waxaa ridday Maxkamada Galmudug ee Maamulka Galmudug,waxaana dadka la xukumay ay gaarayaan ilaa Saddex Nin kuwaas oo u dhashay dalka Yaman.

Dadkaan la xukumay ayaa Maxkamadu ku eedeysay in ay sisharcdaro ah uga kalumeysanayeen Xeebaha deegaanada Maamulka Galmudug.

Ragga la xukumay oo la soo qabtay 2,dii Bishii Octoper ayaa kala ahaa Maxamed Saalim Cali, Cabdalla Saalim Cabdalla iyo C/raxmaan Cali Saciid , waxana lagu xukumay midkiiba mid laba Sano oo xabsi ah iyo Ganaax lacageed oo dhan laba kun oo Dollar.

Maxkamada ayaa sidoo kale Xukuntay in lacag dhan 50 oo Dollar uu bixiyo Ninkii lahaa doontaas oo Magaciisa lagu soo gaabiyay  Cali Mataan.

Kaaliyaha Maxkamada Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug  Maxamed Jaamac Diirshe  ayaa Warbaahinta u akhriyay Xukunka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xukunka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media