Dhageyso:-Maxkamada Gobolka Togdheer oo riday Xukuno kala duwan

Maxkamada Gobolka togdheer ee Maamulka Soomaaliland ayaa Maanta waxa ay Xukuno kala duwan ku ridday rag loo heestay dacwad ah lagu soo qabtay iyaga oo ka Ganacsanayay waxyaabaha Maanka dooriya.

Raggaan xukunka lagu riday ayaa waxaa ay gaaraayan ilaa 4 , halka dadka iskaleh Gaari ay wateen raga ka Ganacsanayay Waxyaabaha Maanka dooriya.

Xukunka Maxkamadda ay maanta riday ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay Cabdirisaaq oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamada gobolka Toogdheer ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda, wxa ayna kala yihiin raga la Xukumay.

1:- Cismaan Cabdillaahi Sonkor Ganaax 5 Milyan  iyo 5 Sano oo Xabsi ah

2:- Cawaale Jaamac Diiri  5 Sano iyo 5 Milyan oo Ganaax ah.

3:- Axmed Cismaan Ibraahim 4 Sano oo xabsi ah iyo 4 Milyan.

4:- Maxamed Jaamac Ibraahim oo 8 Bilood oo Xabsi ah lagu xukumay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Garsooraha Maxkamada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media