Dhageyso:-Maxkamada Gobolka Togdheer oo meel Fagaaro ah ku gubtay kuna bur-burisay  Khamri & Xashiish+Sawirro

Ciidamada Booliska Gobolka Togdheer ee Maamulka Soomaaliland ayaa Gacanta ku dhigay waxyaabaha Maanka dooriya oo isugu jira Khamri iyo Maandooriyaha kale ee loo yaqaano Xashiiska.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada ayaa waxaa ay ku soo qabteen 904 Dhalo oo Khamri ah iyo Maandooriyaha Xashiishka oo gaaraya ( Hal Kiilo iyo Bar) kaas oo Maanta Xashiiska lagu gubay goob fagaaro ah oo ku taala Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer laguna bur buriyay Dhalooyinki Khamsriga ahaa.

Xeer Ilaaliyaha Gobolka Togdheer Jaamac siciid ayaa sheegay in Xashiisha lagu Beeraya Guri ku yaalla Magaalad Burca halka Gobolka Togdher Guuda ahaan laga soo aruuriyay Deegaannada kale ee gobolka Togdheer.

Sidoo kale waxa uu sheegay in cid allaaha cidii lagu arko iyada oo beereysa ka Ganacsaneyso waxyaabaha Maanka dooriya aysan qarin doonin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xeer Ilaaliyaha Gobolka Togdheer kana Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media