Dhageyso:-Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Puntland oo Xukun ku Riday

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee  Puntlnad ayaa maanta Xukun Dil ah ku riday Askari ka tirsan ciidamada Maamulkaas  oo lagu magacaabo Maxamed Maxmuud Guure.

Goobta uu ka dhacayey Xukunkan ayaa waxaa ku sugnaa Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee  Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee  Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee  Puntland  G/sare Maxamuud Faarax Maxamed oo ka hadlay Xukunka la riday ayaa sheegay in dil toogasho ah lagu xukumay Maxamed Maxamuud Guure,loona Cuskada Qodobada kala ah 221, 222, 223, xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo xeerka 186, xeerka ciqaabta ciidmada qalabka sida.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay ninkan xukunka lagu riday inuu ka maqanyahay Gacnata ciidamada iyo dawlada Puntland markii la qabtana uu dhaqan galiyo xukunkan waxaana sidoo kale hay,adaha Amniga uu faray inay gacanta kusoo dhigaan sida ugu dhaqsaha badan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal ayaa maxkamada ka hor sheegey in xukumane Maxamed Maxamuud Guure uu yahay danbiile Qaran oo khiyaanay dalkiisa isla markaana waxaa uu Guddoomiyuhu sheegey in qofkii soo qabtaa in uu leeyahay abaal marin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xukunka Maxkamada Puntland.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media