Dhageyso:-Maxkamada Ciidamada oo Amar ka soo saartay Shacabkii ku dhintay isku-dhacyada Ciidamada

Maalmihii la soo dhaafay Magalada Muqdisho waxaa ku soo kordhayey isku-dhacyada Ciidamada dowladda Dhexdooda ah kaas oo sababay dhimashada dad Shacab ah.

Dagaaladaas ayaa waxaa Warka soo saartay Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,iyada oo dalbatay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dadkii ku waxyeeloobay dagaaladaas.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in marnaba aan loo dhisin ciidamada in ay dilaan dadka ay u adeegayaan xilliga ay howlgallada wadaan.

Waxa uu ka dalbaday Xeer ilaalinta Qaranka in baaris dhab ah ay ku sameyso dadka Shacabka ah ee ku geeriyooday dagaaladaas,isla markana dhiiga dadka Shacabka ah aan laga hari doonin.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod ayaa horay digniin uga soo saaray isku-dhacday Ciidamada dhexdooda ah lamana oga in waxka bedeli karo hadalka ka soo baxay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka ee Soomaaliya dagaalada mar walba dhex mara Ciidamada dowladda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media