Dhageyso:-Maxay ka dhigan tahay kulankii xalay ra’iisul Wasaaraha iyo Shacabka Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa qeybo ka mid ah Wadada Maka-Almukarama ee Magaalada muqdisho waxa uu kula kulmay dad masuuliyiin u badan.

Dadka uu Caawa la kulmay ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamuud Xasan Cali Cade(Gaaboow) gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho xiligii dowladdii KMG,ka aheyd ee uu Madaxweyne ka ahaa Allaha u Naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed,Milkiilaha Hotelka Maka-Almukrama Kamaal Guutaalle,iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo ay Shacab qeyb ka yihiin kuwaas oo uu kula kulmay qeybo ka mid ah Wadada MakaAlmukarama ee Gudaha Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ddkii uu la kulmay ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin la kulankooda xili habeen ah waxa ayna sheegen in ay tani muujineyso dadaal ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu wad.

Hoos Ka Dhageyso Codka dadkii uu la kulmay ra’iisul Wasaaraha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media