Dhageyso:-Maxaabiistii Laga Soo celiyay Itoobiya Oo Codsaday In Lasii Daayo

Qaar Ka Mid Ah Maxaabiista shalay Laga soo Dajiyay Magaalada muqdhisho Ayaa Muujiyay Dareenkooda Ku aadan Soo Deynta Xukuumada Kheyre Iyo La Noolaanshaha eheladooda Mudo Ay Moogaayen.

Maxaabiistaan oo lagu soo daayay heshiis dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya ay gaareen iyaga oo ku xirnaa  Xabsiyada Magaalada jigjiga ee dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya waxa ayna muujiyeen dareen ay ku sheegeen in qaran kooda uu dib ugu soo celiyay xuriyad sanad ay waayeen waxaana qaarkood ay sheegeen in ay aaminsanaayeen noloshooda oo xabsiga ku dhamaata.

Qaarka mid Ehelada Ubadkooda la kulmay ayaa waxa ay dalbadeen in ay wataan Wiilashooda balse Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u sheegay in berito laga bilaabo ay bilaaban doonto siideynta Maxaabiista.

Soomali badan ayaa waxa ay ku xiranyihiin jeelasha Caalamka waxaa dadku ay  muujinayaan in ay arkaan rajo dib loogu soo celin karo wadankooda.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media