Dhageyso:-Maxaabiista ku xiran Xabsiyada Puntland oo la sheegay in la dayacay

Taliska Booliiska Maamulka Puntland ayaa sheegay in inta badan dadka Maxaabiista ah ee ku xiran Xabsiyadda kala duwan  ee puntland ay xiligaan heysan daryeel wanaagsan,maadaama ay yihiin kuwo xaquuq leh.

Taliyaha Ciidanka booliiska Puntland Cabduqaadir Shire Faarax Ereg ayaa sheegay in dhowr Saldhig uu booqday ay ku xiran yihiin dad farabadan kuwaas,oo iyada oo aan la soo taagin wax Maxkamad ah iska xiran  sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in inta badan dadkaasi uu xirtay taliyaha la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada Janaraal Muxudiin,isla markaana aysan jirin ilaa iyo hada cid cadeysay dambiyadooda.

Waxa uu sheegay in Xabsiyadaas ay booqdeen Hay’addo k socda dhanka Xaquuqda Aadanaha,islamarkaana ay soo arkeen dhibaatada heysata dadka Maxabiista ah,markii aan u gudbiyay Madaxda sare ee Puntland aysan waxba ka qaban.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliye Ereg

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media