Dhageyso:-Maxaabiista ku xiran Xabsiga Garoowe oo Cadaalad daro tirsanaya

 

Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe ayaa muujiyay dhibaato ay sheegeen in ay ku heysato Gudaha Xabsiga isla markaana aysan helin daryeel wanaagsan.

Maxaabiistaas oo mudo ku xiran Xabsiga ayaa waxa ay sheegeen in ay waayeen cadaalad isla markaana mararka qaar ay moodan in aysan aheyn Soomaali kadib markii rag ku eedeysnaa Burcad badeednimo lasiidaayay.

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Abukaate Xasan Xusseen Xaaji ayaa shalay booqday Xabsigaas kaas oo u kuur galayay xaalada  Maxaabiista ku xiran xabsiga Weyn ee Garoowe kuwaas oo cabasho muujinaya.

Ugu dambeyn Maxaabiista ayaa waxa ay ugu baaqeen Wasiirka Cadaalada Soomaaliya iyo maamulka Puntland in ay helaan xaquuqdii Soomaalinimo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Maxaabiista.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media