Dhageyso:-Maxaa xal u ah Madaxweynaha Cusub ee Hir-Shabeelle si uu uga badbaado caqabado Siyaasadeed (Warbixin)

Baarlamaan Goboleedka Hirshabeele ayaa Sabtidii shalay aheyd Maxamed Cabdi Waare u doortay Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeele kadib tartan uu lagalay 7-Musharax

Guushiisa oo laga soo dhaweeyay deegaanada qaar ee Hirshabeele ayaa haddane waxaa soo baxaya caqabado u muuqan kara kuwa sababaya khilaaf horleh oo culeyskiisa wata, kadib markii Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynihii bartamihii Agoosto Baarlamaanka Kalsoonidii kala noqdeen uu shaaciyay in uu yahay Madaxweynaha Sharciga ah ee Hirshabeele.

Hadaba arintaa side ayaa loo dareemayaa Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow oo katirsan Baarlamaanka Hirshabeele ayaa qaba

”Sharci darro wax madaxweyne ku noqohaayo  Majiraan Madaxweynihii Hore Si sharci ah ayaan u dooranay inagoo ah xildhibaanadii Baarlamanka Hirshabeele si sharci ah ayaana xilka looga qaaday kadib markii uu gudan waayay howlihii loo idmaday Marka Sheegasho wax lagu ma noqdo ee waxaa wax lagu noqdaa codka Baarlamaanka Hirshabeele ayuu wax ku noqon karyaa Sheegayo wax kuma noqon karyo waa qof shacab ah waxa uu kamid yahay Mushtamaca Hirshabeele”

Waxaa la rumeysan yahay in Madaxweynihii hore ee Hirshabeele uu  taageero ka heesto siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda Gobolka hiiraan taasi ma  noqon kartaa caqabadda koowaad ee uu wajaho Madaxweynaha Cusub ee Maamulkaasi

“Gaar ahaan dadka kasoo jeeda Gobolka Hiiraan Gobolka Hiiraan Taariikh ayuu leeyahay Somaliya ay taqaano waa dad dowlad aqoon waa dad shuruucda qawaaniinta caalamiga ama kuwa gaarka ah dad yaqaana ayaa ku nool wax lagu kala qeyb sami karo maahan marka dadka reer hiiran waxa ay ku qeyb samayaan ma’an figir ee waa nidaam caqabaduhu wey badan wax badan ayaa maamulkaan horyaala laakiin mida Cali ma noqon doonto Caqabada ugu weyn ee waa caqabada ugu fudud”

Waa Cabdi Raxmaan Jimcaale Cusmaan oo ah Xildhibaan hore kana mid ah Siyaasiinta ka soo jeeda Hiiraan.

Marka laga eego dhanka dhaqaalaha oo dadka qaar aaminsan yihiin in maamulkaan curdunka ah uusan helin taageeero  dhaqaale oo  ku filan haddaba caqabad ceynkee ah ayey ku yeelaneeysaa Madaxweyne Waare Prof Maxamed Xuseen Ciise oo loo yaqaan Dr Liibaan ayaa ka faaloonaya

Caqabadaha isaga horyaala waa dhaqaalo xumo dowlada federalka Kolka la sameenayay Dastuuriyan iyo Siyaasiyan baa loo sameeyay ee majiro sida hadda Dowladaha Federalka ee Xukuumad dhexe ay taageero siiso oo iyaguna wixii kasoo baxaya lees weedaarsado marka xukuumad hadda taageerayo majiraayo waa caqabad waaye Amnigii iyo Ciidan dhexe aan jirin  oo xoogan waa caqabd kale caqabaduhu wey badan yihiin waxaas oo dhan baa laga rabaa in isagu  sameeyo  intii dowlada dhexe  mas’uuliyad ka saarneed oo la eg  ayaa sugaya dhaqaale joogana majiro”

Marka dhinaca kale laga  eego fursadaha uu  heesto Madaxweynaha Cusub maxee yihiin

“Waxaa Horyaala amaanka side loo sugi karaa oo dhulkaas hadda waxaad moodaa waxa weeye ciidamo dowlada federalka ah oo iyagu awood u leh see looga abuuri karaa kaas waa waxa ugu horeeya ee amniga loo sugi karaa mida labaad ee soo raaci karto waxa waaye dadkii sidii loogu furi karaa adeegyada aas aasiga ah oo ma’aha dowladu iney iyadu wax walba keento laakiin dadku fursad siiso oo ay ku maalgashadaan fursad siiso nidaamka guud in ay u sameyso ayaa ugu muhiimsan”

Haddaba Maxaa xal ah si maamulka Hirshabeele oo aan wali gu’jirsan uga badbaado mowjado kale oo siyaasadeed oo caqabad ku noqda hanaqaadka Mamulka Xildhibaan Yuusuf Yalaxoow

“Talada Baarlamanka jeedinaayo waxaa waaye in la adkeeyo midnimada Hirshabeele Shacab iyo Dowla intaba  in la adkeeyo amniga in loo dhaqaaqo wax soo saarka dhulka kheyraadka ilaahey makaniyay labadaan Gobol in dhan walba laga dhiso Hirshabeele amniga gacan xoog lagu qabto la dhiso kaabayaashii dhaqaalaha siyaasada gudaha Hirshabeel ama tan dowlada dhexe ama  inta nala diris ah oo dhan la wanaajiyo umadaan in ay noqon umad hal team ah noqo ayaa qorshaheenu  iyo go’aan keenu yahay maantana xafladii,Taageeradii  iyo banaanbixii hambaliyadii ayaa noo socda intaa ayaan ku dhex jirnaa wax dhibaata ahna majiraan Hirshabeele waa cusub iyo siyaasad cusub ayey wajaheesaa”

Warbixintaan waxaa diyaariyay oo soo jeedin doona Wariye Saleemaan Xaaji Axmed Raage.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media