Dhageyso:-Maxa ka jira in Baydhabo uu ku soo socdo Mukhtar Roobow Beri ‘Wasiirka warfaafinta K/Galbeed ayaa  Uga warmay Dalsan 

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in Liiska Argagixisada laga saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa Al-shabaab.

Abuu Mansoor ayaa ahaa ku-xigeenkii hogaamiyahii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, isaga oo dhinaca kale mar soo noqday afhayeenkii Al-Shabaab.

Hadaba Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu deeagan ahaan ka soo jeedo sidee ayuu u arkaa hadalka ka soo baxay dowladda Mareykanka halkeesa uu ku sugan yahay xiligaan Sheekh Muqtaar rooboow Cali Abuu Mansuur waxaa Su’aalaahaas iyo kuwo kale ka jawaabaya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed Wasiirka warfaafinta K/Galbeed Soomaaliya oo la hadlay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho.

Ugaas ayaa sheegay in Muqtaar rooboow uu ka mid yahay dadka qunyar socodka ah ama dhex dhexaadka ah ee ka tirsan Al-Shabaab islamarkaana lagu xasuusto in uu qabtay masuuliyin ka tirsan dowladda dibna xuriyadooda u siiyay.

Hadaba Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media