Dhageyso:-Masuuliyiinta Wasaarada Cadaalada iyo Qaramada Midoobay oo wada kulmay

Masuuliyiinta Wasaarada Cadaalada dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya michael keatin,iyagoo ka wada hadlay orumarinta Cadaalada iyo Garsoorka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in kulankooda ay uga wada hadleen arimaha Cadaalada isagoo michael keatin ka wareestay sida ay u sahqeeyaan Xubnaha Wasaaarda Cadaalada iyo qaabka ay u Shaqeeyaan.

Sido kale Wasiirka ayaa sheegay in qodobadii uu kala hadlay ay kamid ahaayeen waxa Wasaarada uga qorsheysan islamarkaana ay u sheegen in ay qorsheynayaan dhisida iyo hormarinta Cadaalada iyo Garsoor si waansgan ugu Shaqeeya Bulsahda Soomaaliyeed.

Ugu dambeen Wasiirka ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay Wasaaarda gacan ka siiyaan inta ay ku guda jiraan dhisida Garsoor Cadaalad ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka