Dhageyso:-Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo lagu eedeeyay hurinta dagaalka deegaanka Xeraale

In kastoo xaalada deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ay degan tahay halkaas oo ay horay ugu wada dagaalameen Ciidamada Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca iyo Maleeshiyaad deegaanka ah.

Waxaa soo baxayay Warar sheegaya in dagaalaadaas ay qeyb ka yihiin Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland sida ay sheegeen Odayaasha ku nool deegaanka Xeraale.

Nabadoon Cabdiqani Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa sheegay in  dagaalkaas uu u dhaxeeyay laba Maleeshiyo beeleed kuwaas oo markii dambe ay ciidamo kala dhexdhigeen Ahlusuna Wal-Jamaaca,balse ay rintaas soo dhexgaleen rag ka tirsan Galmudug islamarkaana ay Ciidamo iyo hub u soo direen sida uu ahdalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dagaalka dadka hurinaya uu ka mid yahay Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir iyo Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale waxaan xiriir la sameynay Xeer ilaaliyaha Qaranka si aan wax uga weeydiino eedeynta loo jeediyay balse uusan ka jawaabin taleefoonadeena.

Hoos Ka Dhageyso Codka Nabadoonka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media