Dhageyso:-Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Degmada Cadale oo la kala qaaday

Deegaano hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanadii dhawaan ay ku wada dagaalameen labada maleeshiyo beeleed waxaa booqday Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka si xal looga gaaro dagaaladaas.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ay ku guuleesten in ay kala qaadaan Maleeshyaadkii wada dagaalamay islamarkaana ay ciidamo kala dhexdhigaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku guuleesteen in ay furaan Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho ilaa Gobolada dhexe kuwaas oo ku xirmay dagaalada dhowrka jeer ku soo laab laabtay degmada Cadale deegaanada hoos yimaada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay iyo tuulooyin hoostaga degmada Cadale uu dagaal beeleed ku dhexmarayay laba Maleeshiyo kuwaas oo isku heestay dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaalay balse ugu dambeen xal laga gaaray.

Hoos Ka Dhageyso Codka Abaanduulaha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media