Dhageyso:-Majmaca Culumada Soomaaliyeed oo sheegay in uu Diinta ka baxay Nin soo bandhigay Sawir uu ku tilmaamay Nabiga NNKH

Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saaray arrinta ku aadan mid kamid ah Culumada ku nool Magaalada gaalkacyo oo dhawaaan soo bandhigay sawirka Nin kale kaas oo u ku sheegay in uu yahay Nabigeena Muxamed NNKH.

Majmaca oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay bayaankooda ku sheegeen Cabduweli sheekh Cali Cilmi yare oo ah  ninka soo bandhigay sawir uu ku sheegay in uu yahay Nabigeena NNKH uu Diinta Islamka ka baxay sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa kaloo bayaanka lagu sheegay in laga doonayo in Ninkaas uu toobad keeno oo uu Allah u soo laabto.

Dhanka kale Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa waxa ay ugu baaqeen Wadaad lagu Magacaabo Sheekh Biloow Sheekh Xuseen oo ah Shaqsiga sawirkiisa la adeegsanayay in uu mowqifkiisa cadeeyo wallow isna uu hadlay oo uu sheegay in arrintaan uusan wax lug ah ku laheyn.

Hoos Ka Dhageyso Codka Bayaanka oo uu Akhrinayo Gudoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media